Odday Soomali ah oo kortaagan Xoolihiisa oo Abaartu ka dishay. Sawir Qadde: Faysal Cumar, REUTERS, 2016
Kasii dartitaanka xaalada abaarta soomaaliya oo u dhaw inay isku bedesho xaalad macluul, in kabadan kalabar ummada Soomaaliyeed ee dalka ku nool, waxa ay u baahanyihiin caawinaad degdeg ah sida uu sheegay xafiiska qaramadda middoobay ee Soomaaliya.(UNSOM, 2017).
Ma ahan markii ugu horeeysay oo Somaaliya xaalad noocaan oo
kale ay lasoo deristo, hadii aan hada si degdeg ah wax loogu qaban abaarta,
cawaaqib xumo aad u daran ayaa ka dhalaneeyso, sidii tii dhacday sanadkii 2011,
xiligaas oo dad fara badan ay u dhinteen biyo, cudur iyo cunta la’aan. Marka hadii
ay taariikhdaas oo kale ay so noqoto . wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda
qaadaayo kuwa maddaxeyniyaasha u ah umaada, oo xilka u qaaday inay shacabka wax
u qabtaan. Hadi ay si degdeg ah wax ugu qabanin, waa inay foorariyaan madaxooda
ayagoo duleysan.
Dabcan, waxaa jira arima badan oo isbiirsaday taas oo keentay
macluusha, waxyar hadaan ka sheego arimahas waxaa kamid ah dhowr sano oo roob
fiican aan ka da’in qeybo kamid ah dalka, dagaal iyo amni daro weli jirta,
cashara fiican lagama baranin abaartii dhacday 2011kii, lama sameeynin qaab
loogu talagalay in laga hortago abaarta, waxa intaas sii dheer, xitaa hada la
joogo hadii ay iskugu tagaan ummada
somaliyeed iyo beesha caalmka waxa adkaanayso in gargaarka uu gaaro dadka aad u
tabaalaysan sabatoo ah majiraan wadooyin fududeeya gargaarka iyo amni daro ka
jirta meelaha qaar
Arrimaha kor ku xusan waxa ay ka qeeb qaataan dhibaato inay
dhacdo, hasayeeshee waxa jira arima kale oo aad u mihiim ah oo dadka wax kaqora
abaaraha ay ku doodaan. Waxa ay ku doodaan in keliya cuna la’aan iyo isbedel
xaga cimiladda ah aysan abaartu keenin. Laakiinse, siyaasad dhaqaale oo an
fiicnayn, maamul xumo iyo dagaal ay yihiin waxa aadka usaameeya inay macluul
dhacdo. Cilmibaaris kadib, waxa ay ku doodaan in wadan dowlad si dimoqraadi ah
ku dhisan leh, aysan ka dhicin macluul. Blasé meelaha ay macluushu ku badantahy
ay tahay keliya qaar kamid ah wadamadda Afrika oo dagaal sokeeya kajira oo aan
laheen hab dowlad oo fiican.
Sida Agbor iyo Moyo (2011) qormadooda ay ugu doodeen, majiro
wadan leh xisbiyo siyaasadeed oo badan oo hadana dimoqraadi ah inay ka dhacdo
macluul, maxaayeelay sistamka jira oo ku saleesan doorasho xur ah oo joogta ah,
maxkamado madaxbanaan, sharci dejin fiican, saxaafad xur ah iyo ururo bulshada
rayidka ah oo xoogan. Intaas oo isku tagay waxa ay ilaaliyaan xuquudda
muwaadiniinta oo ay ku jirto helitaanka cunno ((“Development as Freedom,”
1999:178). Dimuqraadiyada waxa ay siisaa muwaadiniinta fursad ku saleesan
coddeeyn inay kubedelaan dowlad jirta oo gudanweysay xilka saran oo ah wax
qabada muuqdda. Qoraaga deWaal , qormadiisa “Democratic Political Process and
the Fight against Famine” (2000:12) waxa uu ku doodayaa in dowlad buuxdda oo
dimiqraadi ah inay awood u leedahay in muwaadiniinteedda ay ka ilaaliso
macluul, halka dowlad aan xooganeen aysan ka ilaalin Karin muwaadiniinteeda
macluul inay soo wajahdo. Waa tan hada Soomaaliya heesato.
Cilmi baaris kadib,
cadeemaha waxa ay sheegayaan in macluul badan ee Afrika kadhacday inay sabab u
aheed inaysan jirin hab dowladeed oo kusaleeysan isla xisaabtan. Taas oo
saameen kaxoogan oo ka badan mida cunna yerida ku yeelatay abaarta. Maamul wanaag
la’aanta waxa ay keentay in dowladaha ay ku fashilmeen in ay sameeyaan qorsha
fican oo ah in cuntadda laga qaado meelaha ay kubadantahay oo lagaarsiiyo
meelaha ay kuyartahay isla wadanka gudihiisa, ama in ay ka caawiyaan xaga
sicirka cuntada dadaka saboolka ah. (Agbor and Moyo, 2011).
Inkastoo cuna yaraanta ladareemi karo kahor inta ay macluusha
dhicin, taas ma aysan noqonin mid laga faaideesto. Hadii si degdeg ah loga
jawaabo marka cunta yaraan soo daristo waxa laga hortagi karaa macluusha inay
dhacdo. Kahortagida musqmaasuqa iyo faragelin guud oo lagu sameeyo beeraha
ayadoona beeraleydda lacaawinaayo si ay waxsoosaar fiican u yeeshaan waxa ay
kordhinaysaa helitaanka cunta badan oo dadka ku filnaata.
Gunaanad, maamul wanaag, in lala tacaalo isbedelka cimiladda
iyo caawinaad ka timaada beesha caalamka waxa ay muhiin u tahay in macluusha
laga hortago. Waxaa mudan in howsha ugu muhiimsan laga dhigo sidii loo heli
lahaa dowlad dimoqraadi ah oo xoogan, lala xisaabtami karo waxaqabad fiican la
imaan karta si wax looga qabto abaarta kusoo noqnoqotay dalka. Sidoo kale, In dowlada
iyo shacabka ay iska kaashadaan sameenta awood siyaaasadeysan oo ka dhan ah
macluusha, waxa ay noqon kartaa arin fiican oo ka hortagta wax soosaar la’aanta
beeraha iyo isbedelka sicirka cuntadda taas oo saameen daran ku yeelata dadka
saboolka ah.

No comments:
Post a Comment